Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ee koonfurta dalka soomaliya ayaa ku waramaya in ciidamo ka Tirsan kuwa al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada Ethopia ku lahaayeen deegaanka Yurkud.
Inta la xaqiijiyay 5-ruux ayaa ku dhaawacantay oo ay ku jiraan dhinacyadii dagaalamay waxaana haatan lasoo sheegayaa in xaalada ay tahay mid aad u dagan islamarkaana ay deegaanka gacanta ku hayaan ciidamada Ethopia.
Dhanka kale deegaanka lagu dagaalamay waxaa ka socda Howlgal ay sameenayaan ciidamada Ethopia kuwaasi oo baadi-goobaya ragii ka dambeeyay weerarka.

