Ururka haweenka Gobolka Banaadir ayaa walaac ka muujiyay in ay dowlada Soomaliya ka helaan 30% kadib markii dhawaan xil ka qaadis lagu sameeyey qaar kamid ah haweenka Golaha wasiirada xukuumada soomaliya.
Jawaahir Maxamed Baarqab oo ah Gudoomiyaha Ururka Haweenka Maamulka Gobolka Banaadir oo wareysi siisay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in dhabar jab weyn ay ku tahay haweenka soomaliyeed in Labadii haween ee kaga jirtay Golaha wasiirada in xilka laga qaado islamarkaana booskooda lagu badalo rag.
“Waa dhabar jab ku timid haweenka in Labadii haween ee ku jiray Golaha wasiirada islamarkaana ahaa kuwii ugu firfircoonaa in xilka laga qaado islamarkaana booskoosda lagu badalo niman ayay tiri Jawaahir Maxamed Baarqab oo ah Gudoomiyaha Ururka Haweenka Maamulka Gobolka Banaadir.
Shalay ayay aheyd Markii qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha soomaliya Xasan sheikh Maxamuud lagu saxiixay xil ka qaadista iyo Magacaabis uu sameeyay Raisulwasaaraha soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali sharmarke.
Wasiirada xilalka laga qaaday ayaa kala ahaa Wasiirka Marwo Khadra Bashiir Cali oo ahayd Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Marwo Xaawo Xasan Maxamed oo ahayd Wasiirka Caafimaadka.
