Wafdi uu hogaaminaayo Taliyaha Ciidamada xoogga dalka soomaliyeed Mudane Maxamed aadan Axmed ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu shirar kaga soo qeyb galay dalalka Kenya iyo Uganda kuwaasi oo loogu hadlaayay Ciidamada.
Taliyaha oo ay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Axmed ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka, intii uu joogayna Wadamadaasi waxa uu shir guddoomiyay shirka taliyeyaasha ciidamada xoogga ee Dalalka Afrika, kaasi oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya.
Maxamed aadan Axmed Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed oo warbaahinta kula Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kulamadii uu kaga soo qeyb galay dalalka Kenya iyo Uganda ay guul kusoo dhamaadeen islamarkaana shirka ka dhacay Magaalada Kampala ee dalka Uganda diirada lagu saaray sidii loo diyaarin lahaa Ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed si ay ula wareegaan goobaha ay kabaxayaan Ciidamada AMISOM.

