Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed oo Dalka Dib ugu Soo Laabtay kadib Shirar uu Kaga Qeyb Galay Uganda iyo Kenya

0

Wafdi uu hogaaminaayo Taliyaha Ciidamada xoogga dalka soomaliyeed Mudane Maxamed aadan Axmed  ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu shirar kaga soo qeyb galay dalalka Kenya iyo Uganda kuwaasi oo loogu hadlaayay Ciidamada.

Taliyaha oo ay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde  Axmed ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka, intii uu joogayna Wadamadaasi waxa uu  shir guddoomiyay shirka taliyeyaasha ciidamada xoogga ee Dalalka Afrika, kaasi oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee  Caasimada dalka Kenya.

Maxamed aadan Axmed Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed oo warbaahinta kula Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kulamadii uu kaga soo qeyb galay dalalka Kenya iyo Uganda ay guul kusoo dhamaadeen islamarkaana shirka ka dhacay Magaalada Kampala ee dalka Uganda diirada lagu saaray sidii loo diyaarin lahaa Ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed si ay ula wareegaan goobaha ay kabaxayaan Ciidamada AMISOM.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here