Raisulwasaaraha Dalka Britain David Cameron oo Xilka ka Dagaya Bisha October

0

Raisulwasaaraha dalka Ingiriiska David Cemeroon ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilayo xilka bisha october  xili dadka reer Britain ay u codeeyaan in dowlada ay ka baxdo Ururka Midowga Yurub.

Isagoo warbaahinta kula hadlay Mr Cameron  aqalkiisa Downing Street hortiisa ayuu sheegay in bisha October markii la gaaro uu ka dagi doono xilka kadib markii xukuumadiisa ay ku guuldarasatya in ay ka guuleysato dadkii olaleynayay in ingiriiska uusan kasii mid ahaanin Midowga Yurub.

Mr David Cameron Raisulwasaaraha dalka Britain  ayaa si weyn ugu ololeeyay in Britain ay ka sii mid ahaato Midowga Yurub, waxaana uu sheegay in uu ixtiraamayo go’aanka shacabka dalkiisa ee ay ku muujiyeen natiijada aftida.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here