Dowlada Ingiriiska oo Ka Baxday Ururka Midowga Yurub Muddo 43-sano Kadib+Sawirro

0

Dowlada Ingiriiska ayaa Muddo 43-sano kadib waxa ay ka baxday Ururka Midowga Yurub oo ay ku jiraan  dalal  ku yaala Qaarada Yurub.

Codadka laga qaaday 30 Milyan oo Ruux, natiijadoodana lagu dhawaaqay goor dhow  ayaa la sheegayaa in 52% ay isku raaceen maya, halka inta oggol kasii mid ahaanshaha midowga Yurubna ay ahaayeen 48% oo keliya, waana markii ugu horeeysay oo ay dadku usoo baxaan cod bixin intaa la’eg tan iyo sanaddii 1992-kii.

Dadka ku nool Magaalooyinka waa weyn ee London iyo wales ayaa inta badan u codeeyay in ingiriiska uusan kasii mid ahaanin Ururka Midowga Yurub halka malaayiin kale oo kunool Scotland ay u codeeyeen kasii mid ahaanshaha Midowga Yurub.

Hogaamiyaha xisbiga UKIP Mudane Nigel Farage ayaa natiijada aftida taariikhiga ahayd ku tilmaamay in ay ka dhigantahay maalinta madaxbanaanida dalka Ingriiska, islamarkaana dalka uu gali doono wacyi cusub.

david_1 david_2 david_3 david_4 david_5

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here