Waqtiga ay Ciidamada  Uganda Soomaliya ka Baxayaan oo La Shaaciyay

0

Dowlada Uganda  war ay soo saartay ayay ku shaacisay waqtiga ay ciidamadeeda kala bixin doonto  Gudaha  dalka Sooamliya oo muddo sanado ah ay ku sugnaayeen.

General Katumba Wamala, Taliyaha Ciidanka Militariga Uganda, oo warbaahinta Uganda la hadlay ayaa  shaaca ka qaaday in Militariga Uganda laga soo saari doono Somaliya, bisha December ee sanadka 2017-ka.

Taliyaha Malatariga Uganda  waxa uu sheegay in ujeedkii ugu weynaa ee ciidamada Uganda soomaliya u yimaadeen uu ahaa in ay gacan malatari siiyaan ciidamada Xoogga Dowlada soomaliyeed ayna ku wareejiyaan goobta laga saaro al-shabaab haatan arintaas ay meel wanaagsan ay marayso.

Hadalkaan kasoo yeeray Dowlada Uganda ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan Ururka Midowga yurub oo jaray 20% dhaqaalihii la siin jirey Taliska AMISOM, Dowlada Uganda ayaa marar badan ku celcelisay in ay ciidameeda kala baxayso soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here