Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta oo khamiis ah u fadhiisatay dhageysiga dacwad ciqaabeed loo heystay askari ka Tirsanaa ciidamada nabad sugida oo dhawaan dilay Taliyihii nabadda sugidda Gobolka Shabeelaha dhexe Marxuum C/weli Ibraahim Maxamed.
Maxkamada ayaa ku xukuntay Yuusuf Xuseen (Yuusuf Madoobe) dil toogasho ah, kadib markii maxkamada horteeda uu ka qirtay dilka uu u geystay Taliyihii Nabad Suggida Gobolka Shabellaha Dhexe.
Dhanka kale Ibraahim Cadaawe, si Ku meel gar ah loogu magacaabay taliyaha nabadd sugida ee Gobolka Shabeelaha dhexe.
Dhawaan ayay aheyd markii askarigaan maanta dilka lagu xukumay oo dilay Taliyihii nabadda sugidda Gobolka Shabeelaha dhexe Marxuum C/weli Ibraahim Maxamed.

