Kaptanka kooxda Manchester United Weyne Rooney ayaa aaminsan in labada xidig ee Memphis Depay iyo Anthony Martial ay Noqon doonaan laacibiin Noqda sida ay isku ahaayeen isaga iyo Cristiano Ronaldo.
Cristiano Ronaldo ayaa lix sano ku qaatay kooxda ku ciyaarta Garoonka Old Trafford ka Hor inta uusan sanadkii 2009 ku biirin kooxda Real Madrid 6-dii sano uu ku sugnaa kooxda Manchester United waxa uu kula guuleystay 3- Premier League 1-Champions League waxayna xiriir wanaagsan ay lahaayeen xidiga Rooney
Rooney ayaana aaminsan in xidigaha Memphis Depay iyo Anthony Martial ay Noqon doonaan rooney-ga Cusub iyo Cristiano Ronaldo-ha cusub ee kooxda Manchester United
Memphis Depay ayaa Manchester United kaga soo biiray kooxda PSVee Horyaalka dalka Holland Halka laacibka xulka dalka France Anthony Martial uu kaga Yimid kooxda Monoco

