Wararka ka imaanaya Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, ayaa ku waramaya in diyaarado dagaal oo aanan la aqoon dalka laga leeyahay Duqeymo ay ka geysteen deegaano hoostagga Degmadaas.
Duqeynta ayaa la sheegay in ay dhacday seqdii dhexe ee xalay waxaa jira Barakac ay bilaabeen dadkii ku nolaa Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaliya.
Waxa ay dadka sheegeen inuu jiro Khasaare ka dhashay Duqeymaha Diyaaradaha aan la aqoonin halka laga leeyahay ay fuliyeen oo soo gaaray dadka shacabka ah ee ku nool deeganada la duqeeyay.
Marar badan waxaa deegaano hoos yimaada Gobolka Gedo duqeymo ka fuliyay diyaaradaha dagaalka dowlada Kenya waxaana intooda badan lala beegsaday hogaamiyaal ka tirsan Xarakada al-shabaab.

