Duqeyn Diyaaradeed oo Ka Dhacday Degmada  Ceel-waaq ee Gobolka Gedo

0

Wararka ka imaanaya  Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, ayaa ku waramaya in diyaarado dagaal oo aanan la aqoon dalka laga leeyahay Duqeymo ay ka geysteen deegaano hoostagga Degmadaas.

Duqeynta ayaa la sheegay in ay dhacday seqdii dhexe ee xalay waxaa jira Barakac ay bilaabeen dadkii ku nolaa Degmada  Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaliya.

Waxa ay dadka sheegeen inuu jiro Khasaare ka dhashay Duqeymaha Diyaaradaha  aan la aqoonin halka laga leeyahay ay fuliyeen oo soo gaaray dadka shacabka ah ee ku nool deeganada la duqeeyay.

Marar badan waxaa deegaano hoos yimaada Gobolka Gedo duqeymo ka fuliyay diyaaradaha dagaalka dowlada Kenya  waxaana intooda badan lala beegsaday hogaamiyaal ka tirsan Xarakada al-shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here