Askarigii Dilay Taliyaha Nabad Sugida Gobolka Shabeelaha Dhexe oo Lasoo Qabtay

0

Wararka  ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in Ciidamada amaanka dowlada Soomaliya ay gacanta kusoo dhigeen askarigii ka dambeeyay dilka Taliyihii Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Gobolkaas C/wali Ibraahin Nuur.

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada amaanka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa la sheegay in ay ugu suurta gashay soo qabashada askariga ka dambeeyey Dilka Taliyihii Nabad sugida Gobolkaas islamarkaana ahaa ilaalada gaarka ee Taliyaha.

Dhanka kale Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka  Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Dowlada Soomaliya aynu la hadalnay ayaa inoo xaqiijiyay in gacanta lagu soo dhigay askariga islamarkaana ay u gudbin doonaan Maxkamada Ciidamada qalabka sida.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here