Maamulka Galmudug oo Si kulul Ugu Hadlay Dagaal Beeleedyo Ka soo Cusboonaaday Gobolka Mudug

0

Wasiirka Dib u Heshiisiinta iyo Dastuurka Maamulka Galmudug Mudane Cisman Maxamed Cali (Socdaal) oo la hadlay  Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ku Baaqay in si deg deg ah loo joojiyo Dagaal Beeleedyo  ka soo Cusboonaaday Deegaanka Khaydaro oo dhaca  Koofurta Gobalka  Mudug kaasi oo dhaliyey Qasaaro iskugu jira Dhimasho iyo Dhaawac.

Wasiirka Cisman Maxamed Cali ayaa Sheegay in Maleeshiyaadka hada ku dagaalamaya Deegaanka Khaydaro ee Gobalka Mudug Beelaha ay kasoo kala jeedaan ay Heshiis kala Dhex-dhigeen Dhawaan islamarkaana ay  kala Saxiixeen Heshiis Dhigayay in laga Fogaado wax walba oo Horseedi kara Dagaal markale ka soo Cusboonaada deegaanka.

Dagaalkaan oo u dhexeeyay Labo Maleeshiyo Beeleed oo kasoo kala Jeeda Deegaanada Khaydaro iyo Ceel-huur ee dhaca Koofur Bari Gobalka Mudug ayaa  waxaa ku Dhimatay 8-ruux halka Dhaawacuna uu kor u dhaafayo 20-ruux kuwaasi oo Dhaawacyadooda la geeyey Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado oo labada uu ka Arimiyo Maamulka Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa lagu Dhaliilaa in uusan Xil Weyn iska saarin in si Rasmi ah loo soo Afjaro waxa Sababay Dagaalka Qabaa’ilka Deegaanada Koofurta Gobalka Mudug in kastoo uu jiro Heshiis Dhawaan ay gaareen Beelaha Dirirtu ay ku dhex martay Deegaanadaasi Islamakaana ay Goobjoog ka ahaayeen Xubno Sare oo ka tirsan Maamulka Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here