Naadiga Premier League champions-ka ee Leicester City ayaa xaqiijisay in ay heshiis la gaartay kooxda dalka Spain ka dhisan Sporting Gijon oo ku aadan xidiga daafaca ka ciyaara ee Luis Hernandez heshiis afar sano ayuu qalinka ugu duugay.
27-sano jirkaan ayaa la xaqiijiyay in Garoonka King Power Stadium usoo dhaqaaqi doono Bisha July 1-eeda markuu dhaco heshiiska uu kula jiro naadigiisa Sporting Gijon.
Hernandez ayaa ahaa xidigihii kasoo baxay Academiyada naadiga Real Madrid balse sanadkii 2012-kii wuxuu ku biiray naadiga Sporting Gijon..
Naadigiisa wuxuu ka caawiyay sii joogista Horyaalka heerka kowaad ee Spain 36-kulan ayuu kusoo bilowday wuxuu sidoo kale kamid ahaa xidigihii guusha la gaaray Sporting Gijon ciyaartii 2:0 ay kaga adkaadeen kooxda Villarreal Maalintii ugu damebysan horyaalka.

