Kooxda Real Madrid ayaa dib ula soo wareegtay weeraryahankeeda Alvaro Morata oo labo xili ciyaareed ku qaatay kooxda dalka Talyaaniga ee Juventus.
Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Spain ayaa loo ogolaaday in uu dib ugu laabto kooxdiisa Hore kadib markii xili ciyaareedkii 2014-kii uu kaga soo dhaqaaqay Garoonka Santiago Bernabeu aduun dhan €32 million
War kasoo baxay Naadiga Real Madrid ayaa lagu yiri” Real Madrid CF iyo Juventus FC waxa ay heshiis ku gareen in Alvaro Morata uu dib ugu soo laabto dalka Spain islamarkaana uu qeyb ka noqdo xidigha macalin Zinedine Zidane.”
Warar kale ayaa sheegaya in real madrid ay koox kale ka iibin doonto xidigaan si lacago ay kaga hesho

