Safiirka Yemen ee Soomaliya u fadhiya Mansuur Camaari oo wareysi gaar ah siiyay idaacada simba ayaa sheegay in shacabka Yemeniyiinta ah ee Qaxootiga ku ah Gudaha Soomaliya aysan gurmad sidii la rabay ah aysan ka helin Xukuumada Soomaliya iyo Qaramada Midoobe.
Safiir Mansuur Camaari ayaa tilmaamay in ay jiraan dad Yemeniyiin ah oo kasoo ka barakacay Colaadaha ka jira dalkooda oo haatan ku dhibaateysan qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir sidaas darteed dowlada Soomaliya iyo shacabkeeda loogu baahan yahay in ay soo dhaweeyaan dadka Yemeniyiinta.
“Xukuumadda Soomaliya waxaan leeyahay Qaxootiga Yemeniyiinta sidii la rabay gurmad uguma helin xitaa Qaramada Midoobe waxa ay si toos ah u sheegtay in ay mas’uuliyadda Qaxootiga la wareegeyso balse ma jirto wax xal ah oo ay ka sameysay dhibaatooyinka Hay’sta dadka Qaxootiga Yemeniyiinta ah.
Shalay oo taariikhda ay ku beegneed 20-june dunida waxaa lagu xusay Maalinta Caalamiga ah ee Qaxootiga aduunka , waxaa jira dad Yemeniyiin ah oo kasoo cararay Colaadaha dalkooda ka jira inkastoo ay jiraan Soomaliya iyagaba Qaxooti ku ah dalka Kenya oo haatan dalkooda dib ugu soo laabanaya.

