Booliiska Dalka Spain oo Baaritaano ku Hayo Macalin Jaamac karaaciin iyo Orodyahanad Ethiopian ah

0
Spanish policemen stand guard in front of the parliament during a demonstration by Spain's "indignant" protesters to decry an economic crisis they say has "kidnapped" democracy, on September 25, 2012 in Madrid. Spanish police blocked roads leading to parliament as dozens of demonstrators began to assemble in front of the barricades several hours ahead of the main rally. AFP PHOTO / DOMINIQUE FAGET

Booliska dalka Spain ayaa xabsiga dhigay Jaamac Adam Karaaciin oo tababaro u ah orodyahanno ay ka mid tahay Genzebe Dibaba oo Ethiopia u dhalatay oo haysata koobka orodka aduunka ee 1,500 mitir.

Mr.Karaaciin ayaa lala xiray nin kale oo tababare ah oo dalka Marooco ka soo jeeda, waxaana xarigaan uu ka dambeeyay kadib markii booliska dalka Spain ay xoog ku galeen hotelka ay daganaayeen iyaga iyo ciyaaryahano kale, waxaana la tilmaamay in Hotelkaas laga helay nooc ka mid ah daroogada mamnuuca ah ee kordhisa awoodda jirka ciyaartoyda.

28 qof oo ka mid ahaa 30 ciyaarahan oo hotelkaasi daganaa ayaa masuuliyiin u hadashay xiriirka ciyaaraha fudud ee aduunku waxa ay sheegeen in ay ka baareen daroogada jirka kordhisa.

Mudane Jaamac Karaaciin ayaa la sheegay in tan iyo sanadkii  2013-kii  uu sanad walba tababar ku qabto meel aan sidaas uga dheereen halka hadda lagu qabtay.

Booliska ayaa sheegay in Hotelka ka heleen in kabadan 60 cirbadood oo la isticmaalay, inkastoo oo aysan sheegin Boolisku in dhammaan cirbaddahaasi laga helay qolka Jaamac Karaaciin ama qololal kale.

Hotelka ay Booliska Spain galeen, waxaa kaloo ku jiray orodyahanno ay ku jirto Dibaba, iyo kuwa kale oo ka yimid dalalka  Somaliya, Ethiopia, Djibouti, Algeria, Saudi Arabia, Masar iyo Qatar.

Xarigaan ayaa yimid ayadoo wax ka yar labil ay ka dhimanyihiin Ciyaaraha Olombikada aduunka oo sanadkaan lagu qabanayo magaalada Riyodejineero ee dalka Barasiil.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here