Sida ay qortay Wakaalada wararka ee Reuters 5 askari oo ka tirsan Ciidamda Booliska Dalka Kenya ayaa lagu dilay Gobolka Waoqooyi bari ee dalkaas.
Maanta oo isniin ah sida ay sheegeen saraakiil gobolka ku sugan,waxaana lagu tuhunsanyahay in wereerarkaas ay geysteen xubno ka tirsan al-shabaab,in kastoo weli cid sheegatay aysan jirin wereerkaas lagu qaarajiyay askartaas Kenyatiga ah.
Al-shabaab ay horay u sheegay in ay sii wadi doonaan wereerada ay ka geysanayaan dalka Kenya inta ay ciidamadeeda kala baxayso Somaliya,
“Waxa aan cambaaraynaynaa wereerka Al-shabaab ay ku soo qaadeen deegaanka Dimu halkaas oo ay ku dileen 5 askari oo Booliska ka tirsan sidaasna waxaa barta uu Twitter-ka ku leeyahay ku soo qoray Gudoomiyaha magalaada Madeera Ali Roba.
Xarakada Al-shabaab ayaa dhawr mar oo hore waxaa ay weeraro nuucaan ah ka geysteen magalaada Mandeera ee Gobolka Woqooyi Bari ee dalka iyo deegaano kale oo dhaca Xuduuda uu dalka Kenya la leeyahay Somaliya.

