Warar lagu kalsoon yahay oo warbaahinta Simba halayso ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir .
Sheekh Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe , oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay maamulka Gobolka Banaadir, ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir .
Sheekh Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe, ayaa horey u ahaa Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Dhulalka ee Gobolka Banaadir, waxaana wararka qaar ayaa sheegaya in uu yahay nin ku dhow dhow Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.
Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Dowlada Somaaliya oo lagu Shaacinaayo Magacaabista Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, balse xogtaan ayaa ah mid ay heshay Radio Simba.



