In kabadan 500,000 oo Arday oo Dib ugu Laabtay Imtixaanka Dalka Algeria Kadib Qish Ay Haleen

0

In ka badan Nusmalyuun arday ah oo  dhigata dugsiyada sarre ee dalka Algeria ayaa dib loogu celiyay imtixaankii ay horay u galeen ee dugsiga sarre kadib markii la sheegay in imtixaankii laga qaaday horaantii bishaan ay qash ka heleen baraha bulshada.

Xukuumada Algeria ayaa go’aansatay in si ku meel gaar ah loo xiro  baraha bulshada sida Facebook iyo Twitter-ka mudo seddex maalin ah oo imtixaanku uu socon doono.

Wasiirka waxbarashada dalka Algeria ayaa sheegay in ay qaadayaan tilaabo kasta oo lagama maarmaan ah si loo xaqiijiyo habsami u socodka imtixaanka,waxaana uu sheegay in arrintaas ay kawada shaqayn doonaan dhamaan dhinacyada ay qusayso kuwaas oo ay ka midyihiin Booliska iyo Waaxaha Caafimaadka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here