Qarax qasaaro geystay ayaa barqanimadii maanta ka dhacay Gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho,
3-askari oo ka Tirsan Ciidamada Booliska Dowlada Soomaliya ayaa ku dhaawacmay qaraxa oo ahaa kan gacanta laga tuuro oo lagula eegtay Nawaaxiga Suuqa Cabdala Shideeyaha, gaar ahaan halka lagu iibiyo Kaluunka.
Rag dhalinyaro ah oo watay Bambada ayaa la sheegay in ciidamada ay ku tuureen, kadibna ay ka carareen goobtaasi.
Ciidamada qaraxa lala eegtay ayaa Furey rasaas xoogan taasi oo la sheegay In uu ku dhaawacmay mid kamid ah wadayaasha Mooto Bajaajka.

