Maamulka Galmudug oo Guddiyo Wada-hadal La Fura Maamulka Ahlusun Magacaabaya

0

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in dhawaan la Magacaabi doono Guddiyo Wada-hadal la fura Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca oo siyaasad ahaan kasoo horjeeda Maamulka Galmudug.

Madaxweyne  Kuxigeenka Maamulka Galmudug Mudane  Maxamed Xaashi Carabey oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in bishaan Gudaheeda lagu dhawaaqi doono Guddiyada loo xil saari doono wadahadalada lala furaayo Maamulka Ahlusuna waljameca.

Mudane  Maxamed Xaashi Carabey Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug  ayaa tilmaamay in  Maamulka Galmudug oo mar walba diyaar u yahay qancinta iyo in wadahadal lala furo dadka kasoo horjeeda Siyaasada Maamulka.

Dhanka kale  Madaxweyne  Kuxigeenka Maamulka Galmudug Mudane  Maxamed Xaashi Carabey ayaa sheegay in dhawaan la bilaabi doono howlgal ka dhanka ah dhaqdhaqaaqa  Al-shabaab oo wali ku sugan qaar kamid ah deeganada iyo degmooyinka Gobolka Galgaduud ee Bartamaha dhulka Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here