Ciyaaryahan Kenyaati ah oo ka tirsanaa kooxaha Ciyaaraha Rugby-ga gaar ahaan kooxda Nakuru Rugby Football Club ayaa xabsiga loo taxaabay ka gadaal markii lagu eedeeyay in uu doonayay in uu ku biiro Xarakada Al-shabaab ee Somaliya ka dagaalanta.
Booliska dalka Kenya ayaa waxakaalada Wararka ee AP u sheegay in ay xireen Javan Morton Murayi oo ah ciyaaryahanka lagu tuhunsanyahay in uu xiriir la leeyahay Al-shabaab.
Agaasimaha waxaada dambi baarista ee dawlada Kenya ayaa tilmaamay in ninkaan lagu qabtay waxyaabaha loo adeegsado qaraxyada,dhawr aqoonsi oo kala duwan iyo buug ay ku qoranyihiin sida dhismayaasha loo burburiyo.

