Sawiro: Madaxweynaha Soomaliya oo Maanta la kulmaya Boqorka dalka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdil Casiis

0

Madaxweynaha soomaliya ayaa Maanta Magaalada Riyaad ee wadanka Sacuudiga kula Kulmi doona Boqorka dalka Sacuudiga boqor Salmaan Bin Cabdil casiis

Safiirka dowlada soomaliya u Fadhiya wadanka Sacuudiga daahir Maxamuud Gelle ayaa warbaahinta u sheegay  in casuumad  uu Madxaweynaha Soomaliya xasan sheikh Maxamuud ka helay Boqorka dalka sacuudiga uu ku Yimid  Magaalada Riyaad  ee wadanka sacuudiga

Safiir daahir Maxamuud Gelle ayaa sidoo kale  sheegay in arimaha ugu badan in labada Mas’uul ay ka wada Hadli doonaan ay kamid Tahay dagaalada xiligaan ka jira dalka Yemen iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya soomaliya iyo wadanka Sacuudiga oo kamid ah wadamada inta badan loo dhoofiyo qeyraadka dalka soomaliya

Madaxweynaha soomaliya Socdaalka dalka Sacuudiga kadib, Madaxweynaha waxa uu tegi doonaa magaalada New Delhi ee caasimadda dalka India, halkaas oo uu kaga qeybgeli doono shir madaxeedka India iyo waddamada Afrika.

Halkaan ka Daawo sawirada

IB0A6434IB0A6430IB0A6425IB0A6424IB0A6416IB0A6412

IB0A6440

 

 

 

 

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here