Madaxweynaha soomaliya ayaa Maanta Magaalada Riyaad ee wadanka Sacuudiga kula Kulmi doona Boqorka dalka Sacuudiga boqor Salmaan Bin Cabdil casiis
Safiirka dowlada soomaliya u Fadhiya wadanka Sacuudiga daahir Maxamuud Gelle ayaa warbaahinta u sheegay in casuumad uu Madxaweynaha Soomaliya xasan sheikh Maxamuud ka helay Boqorka dalka sacuudiga uu ku Yimid Magaalada Riyaad ee wadanka sacuudiga
Safiir daahir Maxamuud Gelle ayaa sidoo kale sheegay in arimaha ugu badan in labada Mas’uul ay ka wada Hadli doonaan ay kamid Tahay dagaalada xiligaan ka jira dalka Yemen iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya soomaliya iyo wadanka Sacuudiga oo kamid ah wadamada inta badan loo dhoofiyo qeyraadka dalka soomaliya
Madaxweynaha soomaliya Socdaalka dalka Sacuudiga kadib, Madaxweynaha waxa uu tegi doonaa magaalada New Delhi ee caasimadda dalka India, halkaas oo uu kaga qeybgeli doono shir madaxeedka India iyo waddamada Afrika.
Halkaan ka Daawo sawirada

















