Maxkamada Ciidamada Qalabsida ee Maamulka Puntland oo khamiistii u fariisatay Maxkamadeynta Dhalinyaro ka Tirsan Al-shabaab oo lagu qabqabtay dagaaladii ka dhacay xeebaha deeganada Maamulka Puntland ayaa maanta la filayaa in ay ku dhawaaqdo xukunada lagu ridey.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in 43-kamid ah Maxaabista lagu xukumay xukun dil ah iskatoo maanta si rasmi loogu dhawaaqi doono xukumada lagu riddey dhalinyaradaan ka Tirsan Al-shabaab ee dhawaan lagu qabtay dagaaladii ka dhacay xeebaha Puntland.
Ragga xukunka lagu riday waxay ahaayeen kuwii waa weynaa ee lagu qabtay dagaaladii bishii maarso ka dhacay godka Togga Suuj iyo Garacad, ee Gobolka Mudug waxayna maxkamadu siisay bil racfaan ah.
Dhawaan ayay aheyd markii Dhalinayaro ka Tirsan Al-shabaab lagu qabtay dagaalo maalmo ka socday xeebaha deeganada Puntland wuxuuna maamulka Puntland sheegay in la maxkamadeyn doono dhamaantooda.

