Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya waxaa lagu soo gaba-gabeeyay Shirka Taliyayaasha Ururka Ciidammada Gurmadka Geeska Afrika oo maalmihii dambe halkaas ka socday.
Shirka waxa ka qeyb galay Taliyayaal l ka socday wadamada Tanzania, Uganda, koonfurta Sudan, iyo Kenya oo aheyd halkii lagu marti galiyay shirka.
Shirkaas ayaa socdey mudo laba maalmood waxaana looga hadlay dib u qaabaynta Ururka ee dhinaca maamulka iyo hogaaminta.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Generaal Maxamad Aden Axmed, ayaa shir Gudoominayay mudada uu socday shirkaan waxaana masuuliyiinta ka qaybgalay ay sheegeen in dhamaan qodobadii laga hadlay sifiican La iskugu fahmay.




