
Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada Amisom iyo kuwa Al-shabaab ayaa maanta ka ka dhacay degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellada Hoose.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalyahano ka Tirsan Kuwa Al-shabaab ay qarax miino la eegteen kolonyo gaadiid oo ay la socdeen ciidamada Amisom waxaana intaas kadib xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada Amisom iyo kuwa Al-shabaab.
Guddoomiyaha Degmada Baraawe Xuseen Barre Maxamed “Xuseen Jeex” oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalyahano ka Tirsan al-shaabaab ay weerar gaadmo ah ay ku qaadeen ciidamada Amisom isagoo tilmaamay in al-shabaab laga dilay askar badan islamarkaana ciidamada Amisom uusan jirin qasaaro soo gaaray.
