Inta la xaqiijiyey laba ruux oo mid ka mid ah uu ahaa askari k tirsan Ciidanka Dowladda iyo Ruux rayid ah ayaa ku dhaawacmay kadib markii Maanta ay is rasaaseyn ay dhaxmartay ciidamo la sheegay in ay kawada tisanyihiin dowladda Soomaaliya.
Isku dhaca u dhexeeyey Ciidmada dowladda ka wada tirsan oo ka dhacay xaafadda Tookiyo ee degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa yimid sida ay inoo xaqiijiyeen kadib Markii ay labada ciidan ay isku qabteen guri laga dhisayey xaafadda Tookiyo ee yaaqshiid.
Israsaaseynta ayaa in muddo ah socotay waxaana waxaana rasaasta ay sababtay qasaare dhaawac ah iyadoona muddo ay istaageen isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee xaafadda ay wax ka dhaceen.
Dadka dhaawacmay ee isugu jira Askariga iyo shacabka ayaa loola cararay isbitaalad Muqdisho ku yaalla.
Mid ka mid ah dadka xaafadda Tookiyo ee degmada Yaaqshiid ayaa Idaacadda Simba kaga waramay sida ay wax u dhaceen iyo waliba sida uu xaalku yahay.
