Maxamed Xaaji Xuseen oo ka mid ah Siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanad Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay olole siyaasadeed oo loogasoo Horjeedo madaxweynaha Maamulka Galmudug oo ka bilowday Deegaanada Maamulkaasi gaar ahaan magaalooyinka Cadaado iyo Gaalkacyo ee Gobolada Dhexe.
Waxaa uu sheegay in kacdoonadan ay ka dhasheen sida uu yiri waxqabad la’aan haysata qaybaha kala duwan ee Maamulka Galmudug ee uu Madaxda ka yahay C/kariin Xuseen guuleed isagoo tusaale usoo qaatay in wasaaradha Maamulka Galmudug u magacaaban aysan waxba Qaban islamarkaana waxqabad iska daaye aysan lahayn wasaaraduhu xarumo ay dagganyihiin oo dadka loogu adeego isagoon sheegay in taasi ay tahay cillad uu leeyahay maamulka Galmudug dadkuna ay xaq u leeyihiin in ay kacdoon ka sameeyaan ciddii kasoo bixiweysa ballanqaadka ay sameyso xilliga la dooranyey Sida uu yiri.
Maxamed Xaaji Xuseen isagoo sii hadlaya waxaa uu sheegay in hadda siyaasiyiint arintaan kacdoonka ah hormuudka ka ah ay hadda wadaan qorshe ay ku dhisayaan xisbiyo siyaasadeed oo kasoo horjeesta Maamulka glmudug haddan meel wanaagsan ay u marayso arinta la xariirta sameynta xisbiyadaasi.
Waxaa uu sheegay in xilligan la Joogo loo bahanyahay in masuuliyiinta hogaamisa Galmudug ay ka dhabeeyaan qodobadii lag doortay ee ay ballanqaadeen intaan la dooran ee ahaa wax ka qabashada tabashooyinka iyo baahiyaha dadku ay qabaan si markaasi ay u suura gasho in waxbadan oo hadda gaabis ah wax un looga qabto.
Maalmihii dambe ayaa waxaa soo ifbaxayey siyaasiyiin iyo dad kasoo jeeda deegaanada Maamulka Galmudug kuwaasi oo dhaliil wax qabad la’aan ah ku eedeynayey maamulka uu hogaamiyo C/kariin Guuleed ee Galmudug,waxaana hadda ololahaasi uu u muuqdaa mid ka bilowday Magaalooyinka ugu waaweyn ee Maamulkaasi.

