Wararka Saaka ka Imaanaya deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa kusoo waramaya in Xalay illaa Saaka halkaa ay ka jirto Xiisad Dagaal iyo dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo ay wadaan Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo Kuwa Ethoipia oo dhan ah iyo Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-shabaab.
Wararku waxaa ay intaa ku darayaan in xiisaduhu ay ka jiraan Deegaanada Ceel-cali iyo Yasooman oo ka wada tirsan Goobolka Hiiraan,waxaana xiisaddu ay timid kadib Markii ay deegaanadaasi oo gacanta ugu jira Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ay buux dhaafiyo deegaanna u dhaw Ciidamo la sheegay in ay ka amar qaataan Xarakada Al-shabaab oo wata hub iyo Gaadiid Dagaal.
Dad goobjoogayaal ah ayaa u sheegay Idaacadda Simba in Ciidamad Ethiopia ay Xalay fiidkii isaga baxeen Deegaanada qaar ee Gobolka Hiiraan,kadib Markii ay dareemeen in Shabaab Ciidamo ka tirsan ay deegaanadaasi ay buuxdhaafiyeen.
Guddoomiyaha Deegaanka Ceel cali oo la hadlay Idaacadda Simba ayaa xaqiijiyey in Ciidamo Al-shabaab ka tirsan ay Xalay illaa Saaka ay kusii qulqulaya deegaankaasi deegaanna kaabiga ku haaya waxaana uu intaa raaciyey in ciidama Ethiopian ay isag bxeen Deegaanka Yasooman ee isla Gobolka Hiiraan oo ay Fariisin weyn ku lahaayeen Ethiopianka.
Waxaa uu sheegay guddoomiyuhu in hadda xaaladda amni ee deegaankaasi iyo Deegaanada hoosyimaada ay tahay Mid la isku halleynkaro balse ay meesha ka maqantahay sida uu yiri kaalintii dowladdu ay ku lahayd ka saaridda Al-shabaab ee Deegaanada hoosyimadaa Ceel-cali.

