Dowlada Niger ayaa xaqiijiyay inay ka heleen meel u dhaw Sahara Xuduuda Wadanka Aljeeriya Meydadka 34 muhaajiriin ah oo ay Haween iyo caruur ku jiraan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Niger Bazom Mahamed war uu xafiiskisa kasoo saaray ayuu ku sheegay in Tahribayasha Meydadkooda la helay ay u dhinteen Haraad, kadib markii uu ka cararay ninkii mukhaliska ahaa ee waday.
Wasiirku wuxuu intaa raaciyay in Dadka dhintay 9 ka mid ah ay ahaayeen Haween iyo Caruur, xiliga dhimashada Dadkaasina ay u dhaxeysay 6-12kii bishan aynu ku jirno ee Jun, iyadoo laba ka mid ahna ay ka soo jeedeen dalka Niger, wuxuuna wasiirku ka cudur daartay inuu tafaasiil ka bixiyo aqoonsiga jinsiyadaha ay ka kala soo jeedeen Tahriibayaasha dhintay.

