Meydadka 34 muhaajiriin ah   oo laga helay Xuduuda Wadanka Aljeeriya 

0

Dowlada Niger ayaa xaqiijiyay inay ka heleen meel u dhaw  Sahara  Xuduuda Wadanka Aljeeriya  Meydadka 34 muhaajiriin ah  oo ay Haween iyo  caruur ku jiraan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Niger  Bazom Mahamed  war uu xafiiskisa kasoo saaray ayuu ku sheegay  in Tahribayasha Meydadkooda la helay  ay u dhinteen Haraad,  kadib markii uu ka cararay ninkii mukhaliska ahaa ee waday.

Wasiirku wuxuu intaa raaciyay in Dadka dhintay 9 ka mid ah ay ahaayeen Haween iyo Caruur, xiliga dhimashada Dadkaasina ay u dhaxeysay  6-12kii bishan aynu ku jirno ee Jun, iyadoo laba ka mid ahna ay ka soo jeedeen dalka Niger, wuxuuna wasiirku ka cudur daartay  inuu tafaasiil ka bixiyo aqoonsiga jinsiyadaha ay ka kala soo jeedeen Tahriibayaasha dhintay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here