Maamulka Magaalada Beledweyne ee dowlada soomaliya ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan in uu isku Koobay la Kulanka Raisulwasaare ku-xigeenka dowlada soomaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib oo shalay Gaaray Magaalada Beledweyne
Gudoomiyaha Magaalada Beledweyne Maxamed Cusmaan qalaafow oo wareysi siiyay Idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka degmada Beledweyne loo diiday in ay la Kulmaan Raisulwasaare ku-xigeenka dowlada soomaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib Kaliyah uu la Kulmay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fitaax xasan Afrax
Maxamed Cusmaan qalaafow ayaa arintaas ku Tilmaamay mid aad loogu xumaado sidoo kale waxa uu sheegay in Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan afrax uu u dhaqmay sida hogaamiye kooxeed oo kale
Dhanka kale Gudoomiyaha Magaalada Beledweyne Qalaafow ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fitaax xasan afrax in uusan dooneen Hormar uu Gaaro Gobolka Hiiraan mudo Haatan laga Joogo Bil uu safaro ku Tagaayay qeybo kamid ah dalka caalamka Taasina ay dhibaato ku tahay Hormarka Gobolka Hiiraan
Hadalkaan Gudoomiyaha Magaalada Beledweyne Maxamed cusmaan Qalaafow ayaa imaanaya xili Gobolka Hiiraan uu shalay Gaaray Wafdi uu Hogaaminaayay Raisulwasaare ku-xigeenka dowlada soomaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib

