Xidiga kooxda Chelsea iyo xulka dalka Spain Pedro ayaa cadeeyay in uu aad u jecel yahay kulaabashada kooxdiisa Hore ee Barcelona ee Horyaalka dalka Spain.
Laacibkii Hore ee kooxda Bracelona Pedro oo wareysi siinayay bein Sport ayaa sheegay in uu mar walba diyaar u yahay la hadlida Madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu kaasi oo ah kan go’aamin kara kusoo laabashadiisa Barcelona.
Pedro ayaa kasoo dhaqaaqay kooxda Barcelona kadib markii uu booskiisa joogtada ah uu ka waayay kooxda Magaalada Barcelona ka dhisan waana laacib xiligaan ka Tirsan Kooxda Chelsea.

