Munaasabad lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Maamulka koonfur Galbeed Soomaliya ayaa u jeedkeeda waxa uu ahaa sagootin loo sameynayay is badal lagu sameyay Ciidamadii itoobiya ee ka howlgalayay deegaano katirsan Gobolada baay iyo bakool kuwaasi oo lagu badalay Ciidamo Cusub oo ka socda isala dowlada itoobiya oo ku howlgalaya magaca AMISOM.
Munaasabada waxaa goob joog ka ahaa kusimaha Madaxeynaha mamulka koonfur Galbeed Soomaliya,ahna wasiirka beeraha maamulkasi ,wasiiro Saarakiil Katirsan Ciidanka dowlada Soomaliya iyo kuwa koonfur Galbeed.
Taliyaha qeybta 6o-aad ee Ciidanka dowlada Somaliya Maxamed ibraahin Yarow oo munaasaba hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in kaalin mugleh ay ka qeyb qaateen ciidamadii la badalay waxaa uuna ka codsaday ciidamda Cusub Taliyaha hogamninaya in tababaro ay u sameeyaan ciidanka dowlada iyo kuwa mumulka koonfur Galbeed si ay Iyaga uwadan ladagalanka Al-shabaab islamarkaana looga maarmo Ciidamo AMISOM ah.
Kusimaha Madaxweynaha ahna wasiirka beeraha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Maxamed Xasan fiqi oo gabagabadi munaasabada ka hadlay ayaa tilmaamay isago ku hadlayay magaca Madaxweynaha mumulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif xasan Shiikh aadan in uu soo dhaweynayo Ciidamada Cusub islamarkana uu hambalyo u dirayao kuwii hore oo u sheegay in dadal badan ay ugaleen ka saarida Al-shabaab deeganada Gobolada Baay iyo Bakool.

