Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ka furay kalfadhiga 37-aad ee Baarlamaanka Puntland,
waxaana furitaankiisa kalfadhiga kasoo qayb galay xubno ka socda golayaasha kala duwan ee dowladda, beesha caalamka. qurbajoog,saraakiil ciidan,culimo, isimo, marti sharaf kale waxaa sidoo kale fadhiga soo xaadiray in ka badan 50-xildhibaan.
Ugu horeyntii Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka ahna ku simaha Gudoomiyaha Cabdixamiid Shiikh Cabdisalaan Ciise ayaa sheegay kalfadhigan in looga hadli doono arrimo badan oo ay ka mid tahay la xisaabtanka xukumadda iyo waxyaabaha la hor keeno.
Madaxwayne Gaas oo jeediyay khudbad daqiiqado badan socotay ayaa ku nuux nuuxsaday waxyaabaha xukumaddiisa u qabsoomay muddada u dhaxaysa kalfadhigii hore iyo kalfadhigan, wuxuu sheegay in wax muuqda ay ka qabteen xagga ammaanka,caafimaadka,xanaanada xoolaha,waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo xoojinta xiriirka Puntland ee caalamka.
Arrimaha hanaanka doorashada 2016 ayuu ka hadlay, Madaxweynaha wuxuu ku tilmaamay tanasulka Puntland u samaysay in la qaado hanaanka 4.5 ay timid kadib markii Soomaaliya bad baadinteeda la eegay, balse waxa uu cadeeyay inaan hanaankaasi dib loogu laaban doonin.














