Wasiirdu dowlaha wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya Mudane C/rashiid Maxamed Xidig, oo maanta warbahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dowlada Soomaliya ay si siman u qeybin doonto Cuno gar-gaar ah oo dhawaan ka timid dowlada Turky-ga.
Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka ee dowlada Soomaaliya oo ay wehliyaan wasiir ku xigeenka wasaarada iyo agaasimaha guud iyo sidoo kale qeyb ka mid ah gudiga ay wasaarada arimaha gudaha u xil saartay la socodka iyo qeybinta deeqda gargaar ayaa maanta kormeer ku tagay Bakhaaro ay ku jiraan raashinka ay dowlada Turky-ga ugu talagashay shacabka Soomaliyeed.
Wasiirdu dowlaha wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya Mudane C/rashiid Maxamed Xidig, ayaa sheegay in markabka raashinkii saarnaa la wada dejiyay wixii hadA ka dambeeyana uu bilaaban doono qorshaha lagu gaarsiinayo dadkii loogu talo galay.

