Hay’adaha gargaarka bixiya waa in ay bixyaan dhaqaalo dheerad ah oo lagu fududaynayo dib u celinta qaxootiga Somaliyeed ee ku jira xeryaha dhadhaab ee ku yaala waqooyi bari dalka Kenya, si loogu sameeyo dib u dejin ammaan ah sidaasna waxaa yiri Filippo Grandi oo ah madaxa laanta qaxootiga ee Qaramada Midoobe.
Grandi oo dhowaan kasoo laabtay booqashooyin uu ku kala bixiyay xeryaha qaxootiga iyo dalka Somalia ayaa sheegay in loo baahanyahay dhaqaalo aad u badan kaasoo lagu hormarinayao kaabayaahsa dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada 9 goobood oo loo qorsheeyay in dib u dejin loogu sameeyo qaxootiga.
Waxa uu yiri “waxaa looga baahanyahay deeq bixiyaasha dhaqaalo deg deg ah si loogu caawiyo abuuritaanka deegaano ku haboon in dib loogu celiyo qaxootiga,dhaqaalahaan waxaa lugu taageeri doonaa dayactirka iskuulada, goobaha caafimaadka,wadooyinka iyo mashruucyo ku saabsan nolol maalmeedka oo shaqo lagu abuurayo.
Grand ayaa kulan la qaatay maalintii Axadii madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta waxaana ay ka wada hadleen dib u celinta qaxootiga in ay noqoto mid ku salaysan xeerka caalamigaa ee qaxootiga.

