Jose Morinho oo Fursadiisa ugu dambeesay la siin doono kulanka Liverpool

0

Kooxda Chelsea ayaa fursadii ugu dambeesay siin doonto macalinkeeda Jose Morinhon kulanka ay Todobaadkaan la ciyaari doonto kooxda Liverpool kulamada Horyaalka dalka Ingiriiska

Macalinka reer Potugal ayaa ku jira xaaladiisa ugu xumeyd Tan iyo markii uu Bilowday Horyaalka dalka Ingiriiska waxayna kooxda Chelsea ay xiligaan ku jirtaa kaalimaha dhexe ee kala sareynta Horyaalka dalka ingiriiska

Kooxda Chelsea ayaa guuldarooyin kala kulantay kooxo waa weyn sida Manchester City, west-Ham xaalada ay ku jirto kooxda Chelsea waxaan ku faraxsaneen ninka reer Russia Roman Abramovich oo loogu bartay in uu buriyo macalimiinta ku fashilma shaqada kooxda Chelsea ee Galbeedka Magaalada London

Hadii shaqada laga ceeriyo Macalinka kooxda Chelsea Jose Morinho chelsea ayaa dalabyo u gudbin doonto macalimiinta kala ah Carlo Ancelotti oo horey usoo qabtay shaqada kooxda Chelsea iyo laacibkii Hore ee xulka dalka holland dhawaana ka tagay shaqada xulka dalka Holland Guus Hiddink

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here