Ciidamo Itoobiyaan ah oo Gaaray Degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud.

0

Ciidamo ka Tirsan kuwa Itoobiya  oo wata Gaadiidka gaashaaman ayaa maanta gaaray Degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada gaaray Degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud ee Bartamaha dhulka Soomaliya  ayaa la sheegay in ay ku labisnaayeen  dareeska Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ee AU.

Warar ay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho halayso ayaa tilmaamaya in Ciidamada ay usii gudbeen dhanka Magalada Dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud oo haatan xarun u ah Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna waljameeca.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here