Qarax Miino oo ka Dhacay Duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose

0

Wararka haatan ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in kolonyo ay la socdeen Ciidamada Midowga Africa ee amisom in qarax miino lagu eegtay duleedka Degmada Afgooye.

Qaraxan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso, ayaa wararka waxa ay sheegayaan inuu qabsaday mid ka mid ah Kolonyada gaadiid ee Ciidamada Midowga Africa ee Amisom ee halkaasi maraayay iyagoo kusii jeeday degmada Baraawe ee isla Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ilaa hada lama ogo qasaaaraha soo gaaray Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ee qaraxa lala eegtay.

Wixii kusoo kordha Simbanews.com Kala Soco

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here