Maxkamad ku taala dalka Imaaraadka Carabta ayaa min 5-sano oo xabsi ah ku xukuntay laba nin oo Soomali ah oo lagu eedeeyay in ay Taageerayeen Ururka Islaamiga ee Daacish.
Labaad nin ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cali Maxamud Cali iyo Cabdiraxmaan Maxamud Cali kuwaasoo u shaqeynayay shirkad Batrool-ka ka shaqeysa oo ku taala Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta sida ay sheegeen mas’uuliyiin u hadashay Dowlada Imaaraadka.
Wargeyska Khaleej Times ee kasoo baxa Imaaraadka Carabta oo warbixintaan qoray ayaa sheegay in Labada nin lagu eedeeyay in ay faafinayeen fikirka Ururka Daacish ee ka dagaalama Dalalka Ciraaq iyo Syria.
Khaleej Times oo soo xiganaya Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowlada Imaaraadka ayaa sheegay in Labada nin ee Somalida ah in ay gudbiyeen Akhbaaraad been abuur ah oo ku saabsan arrimaha Siyaasada dibedda ee dalka iskutagga Imaaraadka Carabta,

