Soomaali Lagu eedeeyay Taageerada Ururka Islaamiga ee Daacish oo La Xukumay

0

Maxkamad ku taala dalka Imaaraadka Carabta ayaa min 5-sano oo xabsi ah ku xukuntay laba nin oo Soomali  ah oo lagu eedeeyay in ay Taageerayeen Ururka Islaamiga ee Daacish.

Labaad nin ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cali Maxamud Cali iyo Cabdiraxmaan Maxamud Cali kuwaasoo u shaqeynayay shirkad Batrool-ka ka shaqeysa oo ku taala Magaalada Dubai ee dalka  Imaaraadka Carabta sida ay sheegeen mas’uuliyiin u hadashay Dowlada Imaaraadka.

Wargeyska Khaleej Times ee kasoo baxa  Imaaraadka Carabta   oo warbixintaan qoray ayaa sheegay in Labada nin lagu eedeeyay in ay faafinayeen fikirka Ururka Daacish ee ka dagaalama Dalalka Ciraaq iyo Syria.

Khaleej Times  oo soo xiganaya Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowlada Imaaraadka ayaa sheegay in Labada nin ee Somalida ah in ay gudbiyeen  Akhbaaraad been abuur ah oo ku saabsan arrimaha Siyaasada dibedda ee dalka iskutagga Imaaraadka Carabta,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here