Wasiirka Wasaarada Amniga ee Maamul Goboleedka Puntland Mudane Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa faray dhamaan Laamaha amniga Maamulka Puntland in ay gacanta ku dhigaan cid walba ay u arkaan in ay lidi ku tahay Amaanka.
Wasiir Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa tilmaamay in Ciidamada Maamulka Puntland ay mar walba diyaar u yihiin sugida amniga iyo ka hortagista weerarada kaga imaanaya dhanka Xarakada Al-shabaab oo dhawaan weerar ku qaaday xeebaha deeganada Maamulka Puntland.
“Waxaan Farayaa Laamaha amniga Puntland in ay ka feejignaadaan weerarada kaga yimaada Dhanka Al-shabaab inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan Al-shabaab waa laga guuleystay waana la ciribtirey balse waxa ay doonayaan in ay aar gutaan ayuu yiri Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) wasiirka amniga Puntland.
Wasiirka Wasaarada Amniga Maamul Goboleedka Puntland Mudane Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa ka codsaday shacabka reer Puntland in ay ciidamada Puntland kala shaqeeyaan sugida amniga iyo in ay u soo sheegeen cidii ay kaga shakiyeen Al-shabaab.

