Kooxo Juventus ayaa xaqiijiyay in ay dhigeeda AS Roma ay kala soo wareegtay Laacibka qadka dhexe ee Miralem Pjanic kadib markii ay bixisay aduun €32 million.
26-jirkaan heerka caalami ee xulka dalka Bosnia ayaa qalinka ku duugay heshiis 5-sano uu la galay kooxda difaacanaysa Horyaalka dalka Talyaaniga ee Juventus.
Miralem Pjanic ayaa Muddooyinka dambe lala xiriirinaayay kooxaha dalka Ingiriiska sida arsenal, Manchester United iyo Chelsea balse ugu dambeen waxa uu ku biiray kooxda Juventus.

