Xarun Loogu Talagalay in Lagu Dhaqan Celiyo Dhalinyarada kasoo baxda Al-shabaab oo Kismaayo Laga Furayo

0

Gudoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose Cabdirashiid Cabdullaahi Cali Goonni iyo Agaasimaha Waaxda Dhaqan Celinta maleeshiyaadka ee wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya Maalik Cabdalla waxay maanta si  wadajir ah u dhagax dhigeen xarun loogu talagalay in lagu dhaqan celiyo Dhalinyarada kasoo baxda Al-shabaab.

Xarunta waxay ku taalaa xeradii hore ee  Mariiniska ee ciidamada Badda Soomaaliya ee magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose iyadoo xaruntaani ay burbursaneyd muddo kaban 20 sano, ayaa waxaa iminka laqorsheynayaa in dayactir lagu sameeyo sida ay Mas’uuliyiin ay sheegeen.

Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose Cabdirashiid Cabdullaahi Cali Goonni oo ugu horeyntii Goobta ka hadlay ayaa sheegay in xarunta Cusub ee loogu talagalay in lagu dhaqan celiyo dhalinyarada kasoo baxda al-shabaab ay noqon doonto mid badashada fikiro badan ay xiligaan aaminsan Dhalinyarada oo ah ku biirista Al-shabaab.

Dhanka kale Agaasimaha Waaxda dhaqan celinta maleeshiyaadka ee Wasaaradda Amniga Soomaaliya Maalik Cabdalla ayaa isna sheegay in xarunta ay dowlada Soomaliya ugu talagashay in lagula dagaalamo kuwa doonaya in ay marin habaabiyaan Dhalinyarada Soomaliyeed waa siduu hadalka u dhigee.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here