Ciidamada Amisom oo Loogu Baaqay in aysan Dhibaateenin Shacabka Soomaliyeed Xiliyada Howlgalada+Sawirro

0

Taliska AMISOM ayaa ugu digay Ciidamada Milatariga Midowga Africa ee amisom in ay  dhibaateenin shacabka soomaliyeed xiliyada ay sameenayaan Howlgalada.

Tababar ku saabsanaa ilaalinta xuquuqda aadanaha ayaa loogu soo gaba gabeeyay ciidamo ka tirsan howlgalka Amisom, iyadoo halkaasi dar daaran adag loogu jeediyay ciidamada.

Ku-simaha Madaxa Shaqaalaha AMISOM, Col. Shadrack Othieno Mutacho ayaa sheegay in Millateriga looga baahan yahay dhowrista xuquuqda dadka liita

“Milatarigu, Waa inay ilaaliyaan sharciga, marka ay yimaadaan arrimaha jinsiga ee lagula kaco dumarka iyo caruurta, kuwaasoo ah kuwa ugu jilicsan ee la dhibaateyn karo xilliyada ay Hawl-galladu Socdaan, Waana inaan Xaqiijinno ilaalinta Dadkaas,” ayuu hadalkiisa ku daray Col. Othieno.

Sidoo kale Ku-simaha Madaxa Shaqaalaha AMISOM, Col. Shadrack Othieno Mutacho ayaa sheegay In taliska uu la xisaabtami doono ciidamada ku xadgudba shacabka xiliyada Howlgalada iyadoo ay jiri doonaan Guddiyo loo xilsaarayo arintaas.

ku-simaha madaxa AMISOM ee ilaalinta Xuquuqda Aadanaha, Dr. Cumar Cabdulle Calasoow oo dhankiisa Tababarka soo xiray ayaa sheegay in tababarkaan uu saro u qaadayo in ciidamada ay bartaan ilaalinta Xuquuqda Aadanaha.

146581464197597 1465814649da965 1465814641ad5d3 1465814638a246f 1465814637f6b4b1465814637f6b4b 1465814638a246f 1465814641ad5d3 1465814649da965 146581464197597

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here