Qarax Qasaaro Dhaliyay oo ka Dhacay Dalka Magaalada Bayruut ee Lubnaan

0

Wararka ka imaanaya dalka Lubnaan ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay  afafka hore ee bank ku yaala Magaalada Caasimada ah ee Bayruut oo lagu magacaabo Lebanese Blom Bank,

Laba qof ayaa la tilmaamay in uu dhaawac fudud uu kasoo gaaray qaraxaas oo ka dhacay suuqa ku yaala magaalada Bayruut ee caasimada dalka lubnaan in kastoo lasheegay in uu burbur badan geystay.

Majirto illaa iyo hada cid dhabarka u ridatay qaraxaan ka dhacay Magaalada Bayruut balse wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in looga shaki qabo in ay geysteen kooxo xiriir la leh ururka Hezbollah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here