Ciidamada Ahlusuna Waljameeca ayaa maanta xabsiga dhigay mid kamid ah wariyaasha ka Howlgala Gobolka Dhexe oo lagu magacaabo Maxamed C/wali Tooxoow oo usoo waramayay Tv-ga Universal iyo Idaacadda Goobjoog ee Magaalada Muqdisho.
Wariyaha ayaa la sheegay in ciidamo ka Tirsan Kuwa Ahlusuna in ay kasoo xireen goobtiisa shaqo xili uu ku guda jirey howlihiisa Malmeed sida aynu wararka ku halayno xiligaan.
Wariyaha la xiray ayaa Saakay Muuqaalo ka duubay sida ay tilmaamayaan wararka Xarumaha ay ku shaqeyaan Maamulka Ahlusunna, ee Gobolada Dhexe balse Ahlusunna ay sheegtay in Muuqaaladaas ay yihiin kuwo lagu gudbinaayo sirtooda.

